Dowladda Kenya oo cadaadis hor leh saartay ganacsatada Muslimiinta.

Thursday September 03, 2020 - 09:31:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo cadaadis hor leh saartay ganacsatada Muslimiinta.

    iyadoo sare usii qaadaysa dhibaatada ay ku hayso dadka muslimiinta ah ayay dowladda Kenya soo saartay amar ay ku boobayso hantida ganacsato muslimiin ah oo laga yaqaan dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasiirka arrimaha gudaha Kenya
iyadoo sare usii qaadaysa dhibaatada ay ku hayso dadka muslimiinta ah ayay dowladda Kenya soo saartay amar ay ku boobayso hantida ganacsato muslimiin ah oo laga yaqaan dalka Kenya.


Bayaan kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Nairobi ninka lagu magacaabo Fred Okengo Matiang’i ayaa sheegay in xayiraad lagusoo rogay illaa 9 ruux muslimiin ah kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir laleeyihiin waxa loogu yeero Argagaxisada.

Dadkan ay dowladda Kenya xayiraadda kusoo rogtay badankood waxay kasoo jeedaan gobollada NFD iyo Mombaasa oo labaduba ah gobollo muslimiintu aad ugu xoogganyihiin inkastoo ay ay ku jiraan dad kasoo jeeda dalka Soomaaliya.


Go'aankan kasoo baxay Kenya ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor ay soo baxday warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo banaanka soo dhigaysa sida qarsoodida ah ee sirdoonada Mareykanka iyo UK uga qeyb qaataan cadaadiska lagu hayo muslimiinta Kenya iyadoo boor isku qaris looga dhiganayo waxa loogu yeero Argagaxisa ladirirka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items