Itoobiya oo xaqiijisay in Mareykanku uu ka joojiyay lacag 100 Malyan ah.

Thursday September 03, 2020 - 09:56:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo xaqiijisay in Mareykanku uu ka joojiyay lacag 100 Malyan ah.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa walaac ka muujisay go'aan kasoo baxay Mareykanka oo looga joojiyay dhaqaale Malaayiin dollar ah oo sanad walba lagusiin jiray arrimaha islaam ladirirka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa walaac ka muujisay go'aan kasoo baxay Mareykanka oo looga joojiyay dhaqaale Malaayiin dollar ah oo sanad walba lagusiin jiray arrimaha islaam ladirirka.


Safiirka dowladda Itoobiya ee magaalada Washington ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu ku wargeliyay xayiraadaha uu ku sameeyay dhaqaalihii uu dalkiisa ku kabi jiray sidaas daraadeedna  ay Itoobiya bilaabayso dhaq dhaqaaq diblumaasiyadeed oo ay dib ugusoo ceshanayso lacagaha laga xayiray.

Mas'uul American ah ayaa wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in xukuumadda Washington ay joojisay lacag 100 Malyan ah oo ay Itoobiya kusiin jirtay arrimaha ladagaallanka Argagaxisada .


Sababta Mareykanku uu ujoojiyay qarashkii uu Itoobiyaanka siin jiray ayaa lagu sheegay go'aanka Addis Ababa ee ah in ay dhammeystirayso biya buuxinta Biya xireenka ugu weyn qaaradda Afrika ee ay ka dhisayso Wabiga Niil.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items