Ciidamo American ah oo qaraxyo lagula beegsaday deegaan dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Thursday September 03, 2020 - 19:03:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo American ah oo qaraxyo lagula beegsaday deegaan dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan maanta siyaaba kala duwan ay uga dhaceen deegaanno hoos yimaad magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo american ah oo ku sugan somalia
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan maanta siyaaba kala duwan ay uga dhaceen deegaanno hoos yimaad magaalada Kismaayo.


Ilo wareedyo laga helay deegaanka Buula Guduud ee Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qarax lala beegsaday kolonyo ciidamo caddaan iyo Kenyaan ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen waqooyiga Kismaayo.

Miino dhulka lagu aasay ayaa burburisay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada huwanta ah.

saaka aroortii hore ayay ciidamo isugu jiray kuwa maamulka 'Jubbaland',melleteriga Kenya iyo ciidamo American waxay kasoo dhaqaaqeen garoonka diyaaradaha Kismaayo waxayna ujihaysteen dhanka deegaanka Buula Guduud halkaas oo ay tiro qaraxyo ah kula kulmeen.


Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Jabuutiyaan ah qarax lagula beegsaday garoonka diyaaradaha degmada Buula Burde balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items