Ciidamada AMISOM oo rasaas khasaara dhalisay ku furay Suuq ganacsi oo kuyaal Muqdisho.

Saturday September 05, 2020 - 20:36:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo rasaas khasaara dhalisay ku furay Suuq ganacsi oo kuyaal Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tacshiirad ay ciidamada shisheeye si bareer ah ugu fureen mid kamida suuqayada ganacsiga ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tacshiirad ay ciidamada shisheeye si bareer ah ugu fureen mid kamida suuqayada ganacsiga ee magaalada Muqdisho.


Maanta duhurkii ayay ciidamo watay sedax gaari oo nuuca gaashaaman ah kanasoo baxay xerada Maslax waxay rasaas oodda uga qaadeen shacab ku ganacsanayay suuqa xoolaha.

Rasaasta waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo ay kamid aheyd haweenay xaamilo ah taas oo magaceeda lagusoo gaabiyay Leyllo, goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhaawacmay ay ku sugnaayeen goob shaaha laga cabo.


Ciidamada ayaa qoryaha Dhashiikaha iyo PKM-ka ku weeraray shacabka balse dhibaatada ayaa aheyd mid yasiran marka loo eego awoodda hubka ay adeegsanayeen ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qarax miino lagu weeraray ciidamada shisheeye xilli ay marayeen agagaarka Warshadda Xeylla bariise ee degmada Huriwaa waqooyiga Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items