Gaari qamri siday oo lagu qabtay bartamaha dalka Soomaaliya.

Saturday September 05, 2020 - 16:59:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari qamri siday oo lagu qabtay bartamaha dalka Soomaaliya.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Qamri farabadan oo kusii jeeday Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Qamri farabadan oo kusii jeeday Muqdisho.


Ciidamo boolis ah oo ku sugan degmada Guriceel ayaa la sheegay in ay Koontaroolka degmada ku joojiyeen gaari ka yimid dhanka degmada Caabud Waaq baaritaan dheer kadibna ay ka heleen kartooman Qamri ah.

Taliyaha booliska saldhigga Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay in ay su'aalo waydiinayaan darawalka gaariga, gaariga laqabtay ayaa qamriga loogasoo raray degmada Caabudwaaq.

Qamrigan oo lagusoo farsameeyay dhanka dalka Itoobiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay lagasoo tallaabiyay xuduud beenaadka waxaana loo waday Hoteello kuyaal magaalada Muqdisho.


Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sanad walba dalka Soomaaliya soo gelisa kumanaan kun tan Qamri ah si ay ugu waxyeelayso akhlaaqda bulshada Soomaalida.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Caabudwaaq lagu qabtay gaari xamuul ah oo siday boqolaal Kartoon Qamri ah kaas oo loosii waday Koonfurta Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items