Kulan udhaxeeya Farmaajo iyo labo kamid ah Hoggaamiyaasha sida aad ah umucaaradsan oo Furmay.

Saturday September 05, 2020 - 16:52:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan udhaxeeya Farmaajo iyo labo kamid ah Hoggaamiyaasha sida aad ah umucaaradsan oo Furmay.

    Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka furmay kulan ay isugu yimideen madaxda maamul goboleedyada iyo hoggaanka DF-ka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka furmay kulan ay isugu yimideen madaxda maamul goboleedyada iyo hoggaanka DF-ka Soomaaliya.


Dib ufurmidda kulankan oo maalmihii lasoo dhaafay uu khilaaf xooggan ka taagnaa ayaa la sheegay in xal hordhac ah laga gaaray.

Axmed Madoobe iyo Farmaajo ayaa la sheegay in ay isla garteen in gobolka Gedo dib loogu celiyo gacanta maamulka 'Jubbaland' balse marka hore loo saaro guddi laba xubnood ah sida ay wararku sheegayaan.

Kulamo albaabadu uxiranyihiin oo udhaxeeyay Axmed Madoobe,Saciid Deni  iyo Farmaajo ayaa dhacayay xalay illaa saaka balse waxaa maanta duhurkii kulamada ku biiray hoggaamiyaal kale oo Muqdisho soo gaaray.


Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhinacyadan shisheeyaha ku daaban ku cadaadinaysay in ay kulmaan si ay xal kama dambays ah uga gaaraan khilaafka ku saabsan doorashooyinka dhici doona horraanta sanadda 2021-ka ee laysku fahmi la'yahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items