Ruushka oo iska cirdeeyay diyaarado halis gelin lahaa ammaankiisa gudaha.

Sunday September 06, 2020 - 06:57:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo iska cirdeeyay diyaarado halis gelin lahaa ammaankiisa gudaha.

    Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay ka hortagtay diyaarado dagaal oo Mareykanku leeyahay kuwaas oo ku xadgudbay hawada wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay ka hortagtay diyaarado dagaal oo Mareykanku leeyahay kuwaas oo ku xadgudbay hawada wadankaasi.


Dowladda ruushka waxay sheegtay in ay iska caabisay illaa sedax diyaaradood oo kuwa casriga ah ee lagu magacaabo B52, diyaaradahan oo halmar qaban kara muhiimado kala duwan sida basaasnimo,duqeyn toos ah iyo in ay ciidamo daadiyaan ayaa gaaray xuduudda Koonfureed ee Ruushka.

Difaaca ruushka ayaa ku faanay in xuduudda Koonfureed ay ku cirdeeyeen diyaaradaha B52 kuwaas oo doonayay in ay falal basaasnimo kasoo fuliyaan gudaha Ruushka.


Dowladda Mareykanka ayaa sanadadii lasoo dhaafay ku faanaysay in aanay jirin nidaam difaac oo ka hor tagi kara diyaaradaheeda casriga ah sida B52 iyo AC130 oo dahmmaantood ah diyaarado dagaal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items