Dhimashada Qaraxyadii Beyruut oo 191 qof gaartay.

Sunday September 06, 2020 - 07:03:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada Qaraxyadii Beyruut oo 191 qof gaartay.

    Waxaa sare usii kacaya dadkii ku dhintay qaraxii baaba'a gaystay ee bil ka hor ka dhacay dekadda caalamiga magaalada Beyruut ee caasimadda wadanka Lubnaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sare usii kacaya dadkii ku dhintay qaraxii baaba'a gaystay ee bil ka hor ka dhacay dekadda caalamiga magaalada Beyruut ee caasimadda wadanka Lubnaan.


Warbixin cusub oo kasoo baxday guddiga loo xilsaaray qaraxii lubnaan ayaa soo saaray tirakoob kama dambays ah oo sheegaya in dadka ku dhintay qaraxa ay gaarayaan 191 ruux.

Wasaaradda caafimaadka xukuumada dabadhilfka lubnaan waxay sheegtay in dadka ku dhaawacmay qaraxii dekadda beyruut ay kor udhaafayaan 6 kun oo ruux islamarkaana dadka illaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu la'yahay ay gaareen 7 qof.


30 maalin kadib musiibadii dekadda beyruut ayaa xaafado katirsan magaalada laga dareemayaa burbur aad uxooggan waxaan wali isdhax daadsan dhagxaanta iyo biraha shubka ah ee dhismayaashii aadka ubilicsanaa.

Dhaqaala xumada ka jirta Lubnaan ayaa sababtay in aan wax dayactir ah lagu sameyn guryihii dumay waxaana go'an waddooyin muhiim ahaa oo ay jareen burburka guryaha dumay.

warbixin kama dambays ah oo lagasoo saaray khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay qaraxii dekadda Beyruut ayaa lagu sheegay in 15 bilyan oo dollar uu gaaray khasaaraha maadiga ah.

xilliga qaboobaha oo soo dhow aageed ayaa wadnaha farta lagu hayaa in xaalad adag ay wajahi doonaan Tobanaan kun qof lubnaaniyiin ah oo guryahooda ay ku burbureen musiibadii ka dhalatay qaraxi lubnaan.

marka lagasoo tago khasaaaha nafeed iyo midka maaliyadeed ee uu qaraxu sababay waxaa jirtay in uu abuuray xasilooni darro dhanka siyaasadda ah waxaana iscasishay xukuumaddii iyo golaheedi wasiirrada iyadoona lasoo magacaabay R/wasaare cusub.

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa ballanqaadday in ay dib udhis kusameynayso guryihii burburay islamarkaana ay wax ka qaban doonto dhibaatadii dhacday balse illaa iyo hadda ma muuqdaan tallaabooyin ifafaalo u ah fulinta ballanqaadyadaas.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items