Al Qaacidda oo Askar Faransiis ah ku dishay Waqooyiga dalka Maali.

Sunday September 06, 2020 - 07:31:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Qaacidda oo Askar Faransiis ah ku dishay Waqooyiga dalka Maali.

    Guuldarro ayaa markale dhabarka loo saaray ciidamada Faransiiska ee duullaanka ku jooga mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika gaar ahaan dalka Maali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore askar Faransiis ah
Guuldarro ayaa markale dhabarka loo saaray ciidamada Faransiiska ee duullaanka ku jooga mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika gaar ahaan dalka Maali.


Wararka ka imaanaya waqooyiga Maali ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe qarax aad uxooggan lagu beegsaday kolonyo ciidamo Faransiis ah xilli ay ku socdaalayeen duleedkaduleedka magaalada Tisaaleet.

Warsaxaafadeed kasoo baxay qasriga madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay in 2 askari oo kamid ahaa guutada Dalaayadaha lagu dilay qarax miino oo lagula beegsaday Tuulo  dhacda waqooyiga Maali.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa si qiiro leh loogu wargeliyay in laba askari oo Faransiis ah la dilay kadib markii baabuurkooda gaashaaman lagu burburiyey walxaha qarxa oo macmal ah subaxnimadii saakay intii lagu guda jiray howlgalka aagga Tessalit ee Mali,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska


Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu ku dhaawacmay askari kale waa sida ay sheegayso riwaayadda Faransiiska balse wali jawaab celin rasmi ah kamasoo bixin jamaacada Jihaadiga ah ee JNIM.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay baraha Internetka ee taageera Jihaadiyiinta ayaa lagu sheegay in jamaacada ugargaaridda Islaamka iyo muslimiinta ee Al Qaacidda katirsan ay mas'uul ka aheyd weerarka lagu dilay askarta Faransiiska ah.

Khasaarahan gaaray ciidamada Faransiiska ayaa kusoo aadaya xilli isbuucii lasoo dhaafay uu wargeys gaaleed fadhigiisu yahay magaalada Paris uu dib ufaafiyay Aflagaadadii uu horay ugu geystay Nabiga SCW.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items