8 saldhig oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya oo weeraro lagu miray.

Sunday September 06, 2020 - 07:59:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    8 saldhig oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya oo weeraro lagu miray.

    Dagaalyahanada XSHM ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhiyo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanada XSHM ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhiyo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay xalay fiidkii weeraro ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada AMISOM ee deegaannada Arbacoow, Lambar60, Buufoow Bacaad,Awdhgeele, Danoow iyo Janaale.

Sidoo kale ciidamada Al Shabaab waxay weeraro ku mireen saldhigyo ay maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ka sameysteen tuulada Sabiid oo kaabiga ku haysa degmada Afgooye.


Dhanka gobolka Jubbada hoose waxaa lasoo sheegayaan in iska hor'imaadyo xooggan ay xalay fiidkii ka dhaceen deegaanka Baar Sanguuni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay fuliyay weeraro lagu qaaday cadowga jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items