Ciidamada Al-Shabaab oo hawgal ka fuliyay duleedka degmada Cadaado.

Sunday September 06, 2020 - 13:46:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al-Shabaab oo hawgal ka fuliyay duleedka degmada Cadaado.

    Wararka ka imaanaya Wilaayada Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay hawgal burcad sifiyan ah ka sameeyeen deegaan dhaca duleedka Magaalada Cadaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore ciidamo katirsan wilaayada Islaamiga Galguduud oo ku sugan Laanta Miraayo/ 2013
Wararka ka imaanaya Wilaayada Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay hawgal burcad sifiyan ah ka sameeyeen deegaan dhaca duleedka Magaalada Cadaado.


Ciidamada Al-Shabaab ayaa hawgalka ka sameeyay deegaanka Cadakibir waxaana halkaas ay Mujaahidiintu ku kala cayriyeen maleeshiyaad isbaaro u taallay.

Mujaahidiinta  ayaa gudaha u galay deegaanka Cadakibir iyagoo ku raad jooga firxadka maleeshiyaatkii isbaarada ka cararay  lamasoo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay hawgalkaasi.

Deegaannada Galguduud ee ka baxsan maamulka Wilaayada Islaamiga ah ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay maleeshiyaatka isbaaralayda ah kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ay kasoo sheeganayaan dadka deegaanka iyo kuwa socotada ah ee deegaanadaas adeegsada.


Dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xoojiyay hawgallada ay ka wadaan gobollada dhexe waxaana maalmihii lasoo dhaafay jiray weeraro lagu qaaday maleeshiyaadka maamulka iskugu yeeray Galmudug iyo ciidamada shisheeyaha ah ee kaabaya.

Hawgalladii ugu dambeeyay ayaa ka kala dhacay deegaanka Shabeeloow ee Mudug kaas oo lagu dilay 15 maleeshiyaad ah halka 8 kalena lagu dhaawacay, Waxaa sidoo kale jiray weerar ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada shisheeyaha haysta Magaalada Dhuusamabeeb ee Galguduud.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items