Dagaal Culus oo ka dhacay degaanka Qaayib iyo ciidamada Galmudug oo meydad ka cararay.

Sunday September 06, 2020 - 15:20:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 8 2
  • Share via Social Media

    Dagaal Culus oo ka dhacay degaanka Qaayib iyo ciidamada Galmudug oo meydad ka cararay.

    Sida ay sheegayaan wararka nagasoo gaaraya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaan hoos yimaad degmada Cadaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka nagasoo gaaraya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaan hoos yimaad degmada Cadaado.


Maanta duhurkii ayuu dagaal qaraar ka dhacay deegaanka Qaayib oo ku dhowaad muddo laba sana ah uu ka jiro maamul islaami ah.

Ciidamada 'Galmudug' ayaa weerar ku qaaday deegaanka Qaayib balse waxay lakulmeen iska caabin aad u adag waxaana dhabarka loo saariyay khasaare aysan filanaynin.

Wariye ku sugan gobolka Galgduduud ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in maleeshiyaadka Galmudug si xun loogu jebiyay dagaalka islamarkaana ay deegaanka uga carareen Meydad.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in dagaal saacado badan qaatay kadib ay ciidamada Al Shabaab si adag udifaacdeen deegaanka waxaana goobihii lagu dagaallamay daadsan Meydadka iyo ciidamada 'Galmudug'.

wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items