Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Baraawe iyo Warar Sheegaya Maxaabiis Ciidanka Itoobiya Looga Qabtay Galguduud.

Sunday November 02, 2014 - 10:47:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Baraawe iyo Warar Sheegaya Maxaabiis Ciidanka Itoobiya Looga Qabtay Galguduud.

    Ciidamada muslimiinta ayaa weeraro xooggan ku qaaday saldhigyo ay cadawga shisheeyaha Nasaarada Afrikaanta ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada muslimiinta ayaa weeraro xooggan ku qaaday saldhigyo ay cadawga shisheeyaha Nasaarada Afrikaanta ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe.

Wararka ka imaanaya shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ay xalay ka dhaceen halka loo yaqaan Anbareeso oo 5 KM ujirta magaalada Baraawe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka mujaahidiintu ay madaafiic ku duqeeyeen saldhigyada cadawga kadibna waxaa xigay weeraro fool ka fool ah.

Ciidanka AMISOM ayaa dagaalka kadib madaafiic ku garaacay duleedka degmada Baraawe waxaana loo badinayaa in khasaara nafeed uu kasoo gaaray weerarka lagu qaaday.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in dagaallo saacado badan qaatay ay ka dhaceen deegaan dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Tuulada Bulacle oo ciidanka Xabashida Itoobiya shalay ku hakadeen ayay dagaallo culus ku qabsadeen,warar laysla dhaxmarayo ayaa sheegaya in dagaalka duleedka Dhuusamareeb ka dhacay maxaabiis looga qabtay ciidanka Itoobiya balse warkaasi xaqiiqdiisa oo buuxda lama hayo.

Related Items