Askar American ah oo ku dhintay Weerarkii Al Shabaab ee deegaanka Janaay Cabdalle.

Monday September 07, 2020 - 12:32:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 28 3
  • Share via Social Media

    Askar American ah oo ku dhintay Weerarkii Al Shabaab ee deegaanka Janaay Cabdalle.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar naf hurnimo oo barqanimadii maanta ciidamo huwan ah lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore askar American ah oo ku sugan Somalia
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar naf hurnimo oo barqanimadii maanta ciidamo huwan ah lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ay ku dhinteen 16 Askari oo katirsan Maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray halka 12 kalae ay dhaawacyo soo gaareen.

Taliska ciidanka Al Shabaab wuxuu sheegay in weerarkii maanta khasaare xooggan uu Mareykanka kasoo gaaray "Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah oo ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalle ku dilay 4 sarkaal American ah iyo 16 katirsan maleeshiyaadka Murtadiinta Bangaraafta" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in askari American ah uu dhaawac kasoo gaaray weerarkii maanta oo ahaa mid cadowga lagu kediyay, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaariga miinaysan uu si lama filaan ah ubeegsaday ciidamada huwanta oo ku sugnaa goob ay xero ka dhisan rabeen.

Sedax kamid ahaa gaadiidka gaashaaman ee ay ciidamada Mareykanku isticlaamaan ayaa la sheegay in ay ku gubteen qaraxii maanta oo ahaa mid aad uxooggan oo dhawaqiisa laga maqlay deegaanno katirsan Jubbada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items