Dalka Hindiya oo kaalinta Sedaxaad ka galay wadamada ugu dhimashada badan Carona Virus.

Monday September 07, 2020 - 12:28:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Hindiya oo kaalinta Sedaxaad ka galay wadamada ugu dhimashada badan Carona Virus.

    Caabuqa Covid19 ayaa wali caalamka ka geysanaya halaag daran isagoona halakeeyay dhaqaalaha qaar kamid ah dowladaha ugu waaweyn caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa Covid19 ayaa wali caalamka ka geysanaya halaag daran isagoona halakeeyay dhaqaalaha qaar kamid ah dowladaha ugu waaweyn caalamka.


Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee shalay lasoo saaray ayaa sheegaya in dadka Carona ugu dhintay caalamka ay ka badanyihiin 875,703  halka uu asiibay dad ka badan 26 malyuun oo ruux.

meelaha ugu dhimashada badan Carona waa wadamada dhaca qaaradaha Yurub iyo Ameerika halka qaaradaha Aasiya iyo Afrika ay kusoo xigaan.

dalka Mareykanka ayaa wali usha uhaya dalka ugu dhibaatada badan kuwa ladhiban Carona Virus waxaana shalay oo kaliya uu cudurku dilay boqolaal ruux isagoo kumanaan qof soo ritay.


Warbixinnadu waxay sheegayaan in dadka Carona ugu dhintay Mareykanka ay gaareen 187,777 oo ruux waxaana ku xiga dalka Baraaziil oo dhimashadu ay gaartay 125,502 oo ruux.

Dalka Hindiya ayaa booska ka cariirsaday Maksiko waxayna dhimashadu kor usii dhaafaysaa 69,561 ruux, kaalinta afaraad waxaa kujira Meksiko oo dhimashadu gaartay 66,865 ruux, dalka ingiriiska ayaa kujira kaalinta shanaad dhimashaduna waa 41,537 ruux,

Afhayeen uhadlay hay'adda WHO ee waxa loogu yeero Q.Midoobay uqaabilsan arrimaha caafimaadka ayaa sheegay in Caabuqa safmareenka Covid19 uu wali halis ku hayo caalamka wuxuu carabaabay in wali aysan diiwaan gelin dal ku guuleystay soo saaridda daawo talaal u ah cudurkan.

Cudurka Carona ayaa hoos udhac dhaqaale oo aad uballaaran dhaxalsiiyay dowladaha reergalbeedka, dhanka qaaradda afrika dalka ugu dhimashada badan carona waa dalka Koonfur afrika.

Related Items