Saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada Baardheere oo weerar lakulmay.

Monday September 07, 2020 - 08:47:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada Baardheere oo weerar lakulmay.

    Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay qaaday howlgallo milliteri oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha, gaar ahaan kuwa socda wadamada Kenya iyo Itoobiya ee jooga gobollada Jubbada hoose iyo Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay qaaday howlgallo milliteri oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha, gaar ahaan kuwa socda wadamada Kenya iyo Itoobiya ee jooga gobollada Jubbada hoose iyo Gedo.


Jubbada hoose ciidamada  Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen difaaca ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Cabdalla biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka waxa uu ahaa mid culus oo in muda ah socday, waxaana loo badinayaa inuu waxyeello kala duwan gaarsiiyay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah duulaanka ay Shisheeyuhu kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.

Dhinac kale Al-Shabaab waxay weerareen ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.



Dagaalka Itoobiyaanka lagu qaaday waxa uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay soo warinayaan goobjoogayaal.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidanka Xabashida Itoobiya, waxaana lasoo warinayaa iney jirto waxyeello kala duwan.

Goobaha ay Shisheeyuhu ka joogaan gobollada Soomaaliya iyo caasimadaba waxaa ka dhaca weeraro ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo hooy iyo nasashaba u diiday ciidamada Shisheeyaha.

Related Items