Mareykanka oo qiray in Askartiisa uu khasaare kasoo gaaray weerarkii duleedka Kismaayo.

Monday September 07, 2020 - 20:53:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo qiray in Askartiisa uu khasaare kasoo gaaray weerarkii duleedka Kismaayo.

    War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka dowladda Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in qaar kamid ah ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay lakulmeen weerar khasaara dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka dowladda Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in qaar kamid ah ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay lakulmeen weerar khasaara dhaliyay.

Col Chris Karns oo ah Afhayeenka AFRICOM ayaa idaacadda Codka Mareykanka u sheegay in ciidamadooda iyo maleeshiyaad ay iyagu tababareen lagu weeraray deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Africom waxay qirtay in qarax loo adeegsaday gaari miinaysan lagu weeraray ciidamadooda balse waxay yareeyeen khasaaraha kasoo gaaray qaraxa oo ay ku sheegeen askari dhaawac ah.

Afhayeenka taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ayaa caddaymaha kooban ee uu bixiyay ku sheegay in Afar kamid ah maleeshiyaadka Soomaaliya ee American-ku tababareen ay ku dhinteen weerarkii Janaay Cabdalle.


Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay in weerarkii istish-haadiga ahaa ee saaka dhacay ay ku dishay Afar Askari American ah iyo 16 katirsan Maleeshiyaadka Bangaraafta ee Mareykanku tababaray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items