Ciidamada Mujaahidiinta oo dagaal kula wareegay degmada Balcad Sh/dhexe.

Tuesday September 08, 2020 - 06:15:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo dagaal kula wareegay degmada Balcad Sh/dhexe.

    Ciidamo aad uhubaysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka aroortii hore howlgal jihaadi ah kula jarmaaday degmada Balcad ee Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad uhubaysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka aroortii hore howlgal jihaadi ah kula jarmaaday degmada Balcad ee Sh/dhexe.

Dagaal culus oo in mudda socday kadib ayay ciidamada Mujaahidiinta usuurta gashay in ay lawareegaan dhammaan xarumihii maamulka degmada Balcad.

Ilo wareed mas'uul ah ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in dagaalyahannada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen xarunta maamulka degmada Balcad,saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka dowladda iyo ciidamada shisheeye ay ufirxadeen dhanka wadada laamiga ah ee aadda magaalada Muqdisho.


Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay xabsiga dhexe ee Balcad kasii daayeen tobanaan maxaabiis ah oo si sharci darra ah ugu xirnaa maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Degmada Balcad ayaa 30Km dhanka waqooyi uga beegan magaalada caasimadda ah waxayna lawareegisteedu muujinaysaa sida Al Shabaab ay ugu xooggantahay dalka Soomaaliya.

Wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items