Qarax Lix Askari ay ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Mandheera.

Tuesday September 08, 2020 - 11:28:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Qarax Lix Askari ay ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Mandheera.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga Kenya kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga Kenya kujira.


Kolonyo ka kooban 3 gaari oo isuga jiray ciidamo Soomaali iyo Kenyaati ah ayaa  qarax lagula beegsadya inta u dhaxeysa deegaannada Finow iyo Sheekh Barrow oo hoostaga gobolka Mandheera waxanaa gaaray khasaare kala duwan.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamada oo waddo ku socdaalaya ayaa shakiyay waxayna kasoo degeen gawaaridii ay la socdeen islamarkiina waxaa haleeley qarax xooggan oo khasaare u geystay.


Inta haatan lasoo wariyay lix askari oo isuga jira Kenyaati iyo Soomaali ayaa ku dhintay qaraxa halka ay sidoo kale jiraan dhaawacyo intaas kabadan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacada Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items