Faah Faahin: Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Balcad iyo wararkii ugu dambeeyay.

Tuesday September 08, 2020 - 13:23:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Balcad iyo wararkii ugu dambeeyay.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaalkii cuslaa ee saaka ka dhacay degmada Balcad ee dhacda duleedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaalkii cuslaa ee saaka ka dhacay degmada Balcad ee dhacda duleedka magaalada Muqdisho.


Dagaalyahannada Al Shabaab ee saaka weerarka ku qabsaday degmada Balcad ayaa maanta barqadii dib uga gurtay magaalada kadib markii ay xaqiiiyeen hadafkii ay dagaalka usoo qaadeen.

Khasaara xooggan ayaa ciidamada dowladda Federaalka lagu gaarsiiyay dagaalkii maanta, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 4 askari ay u dhinteen dagaalka halka 7 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay saanado hub ah iyo agabyo kale ka daad guraysteen saldhigyo iyo xarumo maamul oo ay gacanta ku dhigeen.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan waxaana magaalada maanta duhurkii si taxadar leh dib ugusoo laabtay ciidamada maamulka Hirshabelle iyo kuwa AMISOM ee saaka dagaalka looga saaray.

Degmada Balcad oo qiyaastii 30Km dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho ayay Al Shabaab awood ku leeyihiin waxayna maamulaan inta badan deegaannada hoos yimaad Balcad iyo Jowhar oo labaduba katirsan Sh/dhexe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items