Dowladda Islaamiga oo Dadaal ugu jirta Qabsashada Ceynul Carab iyo Dufcaddii ugu horreysay ee Bashmarka oo Gaaray.

Sunday November 02, 2014 - 11:04:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Islaamiga oo Dadaal ugu jirta Qabsashada Ceynul Carab iyo Dufcaddii ugu horreysay ee Bashmarka oo Gaaray.

    Magaalada Ceynul Carab ee wadanka Suuriya wali waxaa ka socda dagaallo udhaxeeya ciidamada dowladda islaamiga ah iyo kuwa isbahaysiga sheydaaniga ee Mareykanku hoggaaminayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Ceynul Carab ee wadanka Suuriya wali waxaa ka socda dagaallo udhaxeeya ciidamada dowladda islaamiga ah iyo kuwa isbahaysiga sheydaaniga ee Mareykanku hoggaaminayo.

75% magaaladu waxay gacanta ugu jirtaa muslimiinta halka inta kale ay ku suganyihiin maleeshiyaadka calmaaniyiinta Kurdiga kuwaasi oo taageero dhan walba ah ka helaya isbaheysiga 60-ka dowladood ka kooban ee Mareykanku hoggaaminayo.

Wararka ka imaanaya hareeraha macbarka Murshin Binaar oo ah halka kaliya ee magaalada laga galo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay saacadihii lasoo dhaafay ku dhaxmareen ciidanka dowladda islaamiga iyo maleeshiyaadka Kurdiga.


150 askari oo ka socda maamulka Kurdistaan ee Waqooyiga Ciraaq ayaa gudaha ugalay Ceynul Carab si ay u taageeraan maleeshiyaadka PKK,ciidanka magaalada galay ayaa la sheegay in aysan dagaallada tooska ah ka qeyb qaadan doonin balse ay saanado hub ah siinayaan maleeshiyaadkii horay ugu sugnaa.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka waxay sheegtay in ciidanka gaaray Koobaani uusan wax weyn ka bedeli doonin dagaalka balse ay tahay tallaab wax ku ool ah.

Wali waxaa taagan cabsida ah in ciidamada mujaahidiinta dowladda islaamiga ah si buuxda ula wareegan Ceynul Carab ama Koobaani.

Related Items