AKHRISO: Taliska Ciidanka Al-Shabaab Oo War Saxaafadeed Kasoo Saaray Weerarkii Lagu Dilay Ciidamada Mareykanka ee Janaay Cabdalla [English]

Tuesday September 08, 2020 - 16:37:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Taliska Ciidanka Al-Shabaab Oo War Saxaafadeed Kasoo Saaray Weerarkii Lagu Dilay Ciidamada Mareykanka ee Janaay Cabdalla [English]

    War Saxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa taliska ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in camaliyadii istish-haadiga ee maalintii shaley lagu beegsaday ciidamada Mareykanka ay khasaare lixaadleh gaarsiisayey gumeystaha iyo daba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Saxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa taliska ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in camaliyadii istish-haadiga ee maalintii shaley lagu beegsaday ciidamada Mareykanka ay khasaare lixaadleh gaarsiisayey gumeystaha iyo dabadhilifyadiisa, islamarkaana halkaas lagu dilay afar askari oo American ah iyo 16 kamid ah maleeshiyaatka Soomaalida ee uu tababaro Mareykanka.

"Mujaahidiinta ayaa qaaday hawlgalkan istish-haadiga ah Iyagoo ku duulaya xogo sirdoon oo aad loo hubiyey, isla markaana fulinaya dardaaranka Allaah ee ah in gaalada lagu dilo goob walba oo ay joogaan, lagana xoreeyo dhulalka muslimiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka.


War Saxaafadeedka kasoo baxay hogaanka ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkan uu yimid iyadoo ciidamada saliibiyiinta Mareykanka ay sii xoojiyeen duqeymaha diyaaradeed ee ay ku beegsanayaan dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyagoo si gaar ah u beegsanaya goobaha ay ku badan yihiin dadka shacabka ah.



"Muddo sanado ah, ciidamada Mareykanku waxay wadeen duqaymo ay u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay ku beegsanayeen dadka muslimiinta ah ee kunool Soomaaliya, gaar ah deegaanada Wilaayaatka Islaamiga ah, iyagoo si bareer ah u bartilmaameedsanaya goobaha ay dadka shacabka ah ku badan yihiin, isla markaana si aan kala sooc laheyn u xasuuqaya dadka muslimiinta ah ee aan waxba galabsan” ayaa lagu yiri bayaanka.

bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: "Iyagoo ka faa’iideysanaya isla xisaabtan la’aanta ay wehliso wuxuushnimada millatariga Mareykanka oo aysan wax qiima ah ugu fadhin nafta bini’aadamku, ayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku sii wadaan gumaadka Muslimiinta Soomaaliyeed iyadoo aanay jirin cid wax iska weydiisa. Ciidamada Maraykanka ee aanan anshaxa iyo damiirka lahayn ayaa markii lasoo bandhigo xaqiiqada gabood-falladooda foosha xun, waxay kusii indha-adaygaan diidmada iyo inkiraadda xasuuqa ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed iyagoo iska indhatiraya cadaymaha waaweyn ee burinaya beenintooda"


Taliska ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dafiraada uu sameeyey hogaanka ciidanka Mareykanka ee ku aadan khasaaraha kasoo gaaray camaliyadii shaley, kuwaas oo tilmaamay in hal askari oo kaliya looga dhaawacay howlgalkaasi. Taliska ciidanka Mujaahidiinta ayaa sheegay in inkiraadaas ay dhaqan u noqotay taliska Africom islamarkaana u horay u dafiray khasaaraha kasoo gaaray camaliyaatkii hore.


"Isku dayga ula kaca ah ee AFRICOM ay ku doonayso inay ku qariso dhimashada askarta Mareykanka ee weerarkii Janaay Cabdalle, inkiraadoodii boqolaalka qof ee rayidka ah ee ay ku dileen duqeymaha arxan darrada ah ee ay geysteen iyo sidoo kale isku daygoodii fashilmay ee ahaa inay shacabka ka daboolaan xaqiiqda gumaysiga ay ku haystaan Soomaaliya. Intaasoo dhan waxaa ay cadayn marag-madoonta ah u yihiin ololaha marinhabaabinta ah ee Maraykanka. AFRICOM waxay sidoo kale horey ugu fashilantay inay qirato xaqiiqada dhabta ah ee qasaaraha ciidamadooda kasoo gaaray weeraradii Ballidoogle iyo Manda Bay" ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka waxaa sidoo kale lagu yiri: "Dowladda Mareykanka, oo ka duulaysa nacaybka gaamuray ee ay u qabto Islaamka, ayaa wali aaminsan inay xaq u leedahay colaadda ay ka hurinayso waddamada Muslimka ah, iyadoo malaayiin doollar oo kamid ah canshuuraha ay dadkeeda ka qaaddo ku bixineysa hurinta collaadaas, halkii ay wax ka qaban lahayn nacaybka cunsurino ee daashaday bulshadeeda, iyo la tacaalidda cudurka saf-mareenka ah ee Koroona kaas saameeyay malaayiin muwaadiniinta Maraykanka ah, welina kuwo intaas ka badan halis weyn ku hayya".

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fariin u dirtay gaalada Mareykan, iyadoo sheegtay inay Mujaahidiintu sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah saliibiyiinta soo duulay iyo dabadhilifyadooda ilaa inta laga xureynayo dhulalka Muslimiinta, islamarkaana guud ahaan dalka looga dhaqmo shareecada Islaamka.

"Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay wacad ku maraysaa inay howlgalladeeda si gaar ah xoogga ugu saari doonto saliibiyiinta Mareykanka, ayna difaaci doonto Diinta, Dadka iyo Dalka Muslimka ah iyadoo laga difaacayo gumeystayaasha nooc waliba oo ay yihiin iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah. Mujaahidiinta waxay dadaal xoogan ku bixinayaan inay dhidibadda u taagaan hirgelinta Shareecada Islaamka, ilaalinta badqabka dadka muslimiinta ah ee wajahaya ololaha guracan ee saliibiyiinta Maraykanku hormuudka ka yihiin iyo soo celinta sharaftii Umadda Muslimiinta"


HOOS KA AKHRI BAYAANKA OO ENGLISH AH






Related Items