Gaari sahay usiday ciidamada AMISOM oo ka dhacay Sh/hoose.

Wednesday September 09, 2020 - 13:25:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari sahay usiday ciidamada AMISOM oo ka dhacay Sh/hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday waddo istiraatiiji ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday waddo istiraatiiji ah.


Ilo wareedyo laga helay duleedka degmada Qoryooleey ayaa sheegaya in gaari xamuul ah oo sahay usiday ciidamada Uganda lagu gubay inta udhaxaysa deegaannada Danoow iyo Golweyn.

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayay usuurtagashay in ay gubaan gaari xamuul ah kadib markii ay wadada ugaleen kolonyo gaadiid ah, dad ku sugan Sh/hoose ayaa sheegay in ay arkayeen qiic iyo uuro madoow oo cirka isku shareeray.

Gobolka Sh/hoose ayaa kamid ah meelaha uu sida xowlliga ah uga socdo halganka lagula jiro ciidamada shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items