Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka dalka Niger.

Wednesday September 09, 2020 - 16:51:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka dalka Niger.

    Wasaaradda difaaca dowladda Niger ayaa sheegtay in weerar askar looga dilay uu ka dhacay gudaha wadanka waqti ay Jihaadiyiintu sare uqaadeen beegsiga ay ku hayaan ciidamada dowladdan camiilka u ah Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda difaaca dowladda Niger ayaa sheegtay in weerar askar looga dilay uu ka dhacay gudaha wadanka waqti ay Jihaadiyiintu sare uqaadeen beegsiga ay ku hayaan ciidamada dowladdan camiilka u ah Faransiiska.


Wararka ka imaanaya wadanka Niger ee dhaca galbeedka qaarada Afrika ayaa sheegaya in xoogaga Jihaadiyiinta ah ay halkaas ka fuliyeen weerar lagu dilay Afar askari islamarkaana lagu gubay gaadiid gaashaaman.

ilo wareeedyo maxalli ah ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay kolonyo melleteri ah xilli ay ku socdaalayeen mandiqadda Boordaay ee dhacda galbeed Niger.

Sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay baraha bulshada Jamaacada Nusratul Islaam ayaa mas'uul ka aheyd weerarkan oo lagu dilay ugu yaraan 4 askari, Idaacadda ku hadasha afka dowladda Niger ayaa xaqiijisay weerarkan oo ay ku sifaysay fal Argagaxiso.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items