Ciidamada Wilaayada Jubbooyinka oo dib ula wareegay deegaanka Janaay Cabdalle ee Jubbada Hoose.

Wednesday September 09, 2020 - 19:14:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 2
  • Share via Social Media

    Ciidamada Wilaayada Jubbooyinka oo dib ula wareegay deegaanka Janaay Cabdalle ee Jubbada Hoose.

    Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta gelinkii dambe dib ula wareegay gacan ku haynta deegaan istiraatiiji ah oo katirsan Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta gelinkii dambe dib ula wareegay gacan ku haynta deegaan istiraatiiji ah oo katirsan Jubbada Hoose.



Wararka ka imaanaya deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaas ay isaga baxeen ciidamadii huwanta ahaa ee isbuucii lasoo dhaafay duullaanka ku qabsaday.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in ciidamada Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Bangaraafta ay isagasoo baxeen Janaay Cabdalla ayna usoo dhaqaaqeen dhanka xarunta Jubbada Hoose.



Ciidamada huwanta oo wata tobanaan gaari oo isugu jira nuuca gaashaaman iyo kuwa xamuulka ayaa baneeyay saldhiggii ay ka sameysteen deegaanka, dad socota ah waxay sheegeen in maanta gelinkii dambe ay arkayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Bangaraafta oo wadada ku lugaynaya iyagoo hareer socday gaadiidkooda.

Laba Maalin ka hor ayay aheyd markii weerar Afar Askari American ah lagu dilay uu ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalla waxaana larumeysanyahay in khasaaraha lixaadka leh ee ciidamada huwanta ah kasoo gaaray weerarkaas uu sababay dib ugurashadooda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items