Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda Weerar ka dhacay Madaxtooyada iyo saraakiil sare oo lagu dilay.

Thursday September 10, 2020 - 06:44:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda Weerar ka dhacay Madaxtooyada iyo saraakiil sare oo lagu dilay.

    Weerar qarax ah ayaa ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho kaas dhawaqiisa laga maqlay inta badan Magaalada Caasimadda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar qarax ah ayaa ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho kaas dhawaqiisa laga maqlay inta badan Magaalada Caasimadda ah.


Weerarka oo ahaa camaliyad istish-haadi ah ayaa lala beegsaday saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada kuwaas oo goobta ku sugnaa xilligii uu weerarku dhacayay.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Mujaahidiintu ay ka dambeeyeen weerarkaas ka dhacay Madaxtoooyada.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa intaas ku daray in 6 ka tirsan saraakiisha iyo ciidamada DF ay ku dhinteen weerarkaas halka dhaawucuna uu 10 ka badanyahay.


Saraakiisha iyo askarta ku dhimatay ama ku dhaawacantay weerarka ayaa u badan ilaalada gaarka ah ee xarunta Madaxtooyada oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xoojisay weerarada ka dhanka ah DF iyo shisheeyada garabka u ah waxaana maalmihii lasoo dhaafay dhacay weeraro  farabadan kuwaas oo khasaare ba'an lagu gaarsiiyay isbahaysatada ku bahoobay la dagaallanka Muslimiinta kunool Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items