Sarkaal katirsan Ciidanka Booliska oo Muqdisho lagu dilay iyo warar kale.

Thursday September 10, 2020 - 12:24:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan Ciidanka Booliska oo Muqdisho lagu dilay iyo warar kale.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore dil ka dhacay Hodon
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.


Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa weeraro safballaaran ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha Biyaha waxay ku beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda.

Xalay fiidkii ayuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Arbacoow oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamo katirsan Midowga Afrika, sidoo kale weeraro ayay lakulmeen maleeshiyaadka dowladda ee ku sugan deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.


Dhinaca kale sarkaal katirsanaa ciidamada booliska dowladda iyo askari ilaala u ahaa ku dhintay weerar ka dhacay degmada Hodon, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ladilay taliyihii booliska Laanta Siigaale iyo askari ilaala u ahaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items