Wararka ka imaanaya Biiji ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan oo boqolaal ah ay
dhowr jiho ka weerareen xaafadaha warshadaha leh ee magaalada Biiji waxaana
usuurtagashay in ay qabsadaan dhismayaasha ugu muhiimsan ee warshadaha biiji.
Sarkaal u hadlay xukuumadda dabadhilifka Ciraaq ayaa sheegay in xoogaga
weerarka soo qaaday ay burbureen dhowr warshadood iyo saldhiggii ugu weynaa ee
ciidanka ilaalada goobaha shidaalka lagu sifeeyo.
Wakaaladda Wararka Faransiiska oo soo xiganaysa qaar kamid ah shaqaalaha
warshadaha shidaalka Biiji ayaa baahisay in kumanan shaqaale ajaanib reer galbeed
ah oo ka shaqeynayay Biiji xalay saqdii dhexe goobta looga daadgureeyay waxayna
dadkaasi reer galbeed ah ku sigteen in ay galaan gacanta mujaahidiinta.
Qiic iyo Uura Madoow ayaa cirka isku shareeray magaalada Biiji kadib markii dab
qabsaday qaar kamid ah dhuumaha shidaalka magaaladaasi.
"4 habeenimo ee xalay ayay xoogaga ISIS dhowr jiho kasoo weerareen xarumaha
keydadka shidaalka Biiji kadibna dagaal culus ayaa magaalada oo idil ka qarxay
waxaa gubtay laba kamid ah Keydadka shidaalka waxaa ladhihi karaa Biiji waxay
usii gacan galaysaa xoogaga hubeysan”sidaasi waxaa yiri guddoomiye ku xigeenka
warshadaha shidaalka sifeeya ee Biiji xilli uu kasii cararayay magaalada.
Lawareegista warshadaha shidaalka sifeeya ee Biiji ayaa waxbadan ka bedelaya
mucaadalada dagaalka waxaana dhanka mujaahidiinta soo maraya dhaqaalaha ugu
ballaaran ee ciraaq oo kasoo xarooda dhanka shidaalka.
dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta ayaa dagaal la’aan kula wareegay degmada
Wuheyt ee gobolka al-anbaar,dagaallo culus ayaa lasoo sheegayaa in dagaallo
culus dib uga qarxeen magaalada Rammaadi ee xarunta gobolka al-anbaar oo
bilihii lasoo dhaafay lagu dagaalamay.
Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in albaabada ay isugu laabtay qunsuliyadeedi
magaalada Basra sababa laxariira cabsi Dhanka ammaanka ah.
14 kamid ah shaqaalaha qunsuliyadda oo uu kamid yahay qunsulka guud ee
magaalada basra ayaa loo duuliyay wadanka Al-kuweyt waxaana lafilayaa in dhanka
anqara loosii gudbiyo.
Mujaahidiinta ISIS oo Qabsaday Warshadda Ugu Weyn Ciraaq Ee Shidaalka Sifeysa iyo Degmada Al Qaa'im.
Kadib Dagaal saacado badan qaatay ayay ciidamada mujaahidiinta dowladda islaamiga ah ugu suurtagashay in ay qabsadaan xarunta shidaalka lagu sifeeyo ee ugu weyn wadanka Ciraaq.