Madaafiic dhowr ah oo ku hoobtay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Thursday September 10, 2020 - 21:03:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 20 3
  • Share via Social Media

    Madaafiic dhowr ah oo ku hoobtay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Jugta madaafiic xooggan oo ay qaraxyo barbar socdeen ayaa caawa laga maqlay qaar badan oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta madaafiic xooggan oo ay qaraxyo barbar socdeen ayaa caawa laga maqlay qaar badan oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.


Madaafiicda oo ahaa kuwa halmar wada bilaawday ayaa ku dhacay xaafado katirsan degmooyinka Wardhiigleey,Shangaani,Xamarweyne iyo Waaberi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaafiicda ugu badan lagu beegsaday bartilmaameedyo kuyaal xarunta madaxtooyada iyo hareeraheeda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyo lamaqlay xilligii ay madaafiicdu socdeen balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan madaafiicda ah ee caawa gilgilay xayndaabka ay ku xooggantahay dowladda Federaalka.

wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa Insha'Allaah

Related Items