WAR DEG DEG AH: Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyada Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Kismaayo

Friday September 11, 2020 - 14:23:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 8 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH: Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyada Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Kismaayo

    Qarax aad u xoogan ayaa maanta salaaddii jimcaha ka dib ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka isku magacaabay Juballand, kaas oo lala eegtay saraakiil ka tirsan maamulka uu hogaamiyo Axmad Madoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax aad u xoogan ayaa maanta salaaddii jimcaha ka dib ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka isku magacaabay Juballand, kaas oo lala eegtay saraakiil ka tirsan maamulka uu hogaamiyo Axmad Madoobe.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxan, iyadoo tibaaxday ina howlgal qorsheysan ku bartilmaameedsatay mas'uul sare oo katirsan maamulka isku magacaabay Jubaland.

Shaafi Raabi Kaahin oo kamid ah mas'uuliyiinta maamulka Jubaland, islamarkaana ah la taliyaha gaarka ah ee Axmad Madoobe ayaa si halis ah ugu dhaawacmay qaraxan, kaas oo hadda xaalkiisa lala tacaalayo.

Wararka qaar ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen qaar kamid ah ilaalada mas'uulkan sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah.


Shaafi Raabi Kaahin ayaa ahaa la taliyaha gaarka ah iyo gacanta midig ee Axmad Madoobe, waxaana la xusuustaa inuu kaalin mugleh ka qaatay dib usoo doorashadii Axmad Madoobe, hogaamiyaha maamulka Jubaland.

Related Items