Dowladda Baxrayn oo ku dhawaaqday in ay xiriir lasameysatay Yahuudda!

Saturday September 12, 2020 - 09:02:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Dowladda Baxrayn oo ku dhawaaqday in ay xiriir lasameysatay Yahuudda!

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda dabadhilifka Baxrayn ayay ku sheegtay in ay ku caadiyaysay cilaaqaadka kala dhaxeeya maamulka Yahuudda ee xoogga ku haysta dhulalka Falasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda dabadhilifka Baxrayn ayay ku sheegtay in ay ku caadiyaysay cilaaqaadka kala dhaxeeya maamulka Yahuudda ee xoogga ku haysta dhulalka Falasdiin.


Donald Trump iyo Xamad Bin Ciisa oo ah boqorka Baxrayn ayaa si wadajir ah u iclaamiyay in xukuumadda Manaama ay ku biirtay safka Yahuudda islamarkaana ay xiriir dhan walba ah layeelan doonto maamulka Yahuudda.

Sidoo kale R/wasaaraha Yahuudda Bin Yamiin Netenyaahu  ayaa isna sheegay in uu khadka taleefanka kula xiriiray dhigiisa Baxrayn ayna isla garteen in dhinacyadu yeeshaan iskaashi dhan walba ah.


Hoggaamiyaasha dowladaha Imaaraatka Carabta,Baxrayn iyo Yahuudda ayaa 15-ka bishaan tagi doono magaalada Washington halkaas oo ay ka dhacayso munaasabad si rasmi ah loogu saxiixayo cilaaqaadka ka dhaxeeya sedaxdan maamul.

Baxrayn ayaa noqonaya dalkii labaad ee iclaamiya in uu xiriir dhan walba ah lasameystay Yahuudda islamarkaana uu Argagaxiso u aqoonsanyahay kooxaha muqaawamada Falasdiin ee halganka kula jira Yahuudda.

Tani ayaa ah khiyaano weyn oo dabadhilifyada carbeed ay ku sameeyeen shacabka Falasdiin, in ay Yahuudda ka xureeyaan Qudus ayay ku bedeleen in ay aqoonsi iyo sharciyad siiyaan cadowga ugu daran ee muslimiintu leeyihiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items