Wadahadallada Nabadda Afghanistan oo ka furmay magaalada Dooxa.

Saturday September 12, 2020 - 16:47:10 in Wararka
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadallada Nabadda Afghanistan oo ka furmay magaalada Dooxa.

    Magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qadar waxaa si rasmi ah uga furmay wadahadallo udhaxeeya xukuumadda dabadhilifka Afghanistan iyo Imaarada Islaamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qadar waxaa si rasmi ah uga furmay wadahadallo udhaxeeya xukuumadda dabadhilifka Afghanistan iyo Imaarada Islaamiga ah.


Wadahadalladan oo ay garwadeen ka tahay dowladda Qadar ayaa markii ugu horraysay laysku  hor fadhiisiyay wufuud ka socday Imaarada Islaamiga iyo xukuumadda Kaabuul.

Sheekh Suheyl Shaahiin oo ah Afhayeenka xafiiska siyaasadda Imaarada islaamiga ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan dhammaan shuruudaha ay ku xirayaan miradhalka wadahadallada.

Imaarada Islaamiga ah waxay si hordhac ah u sheegtay in aysan ogolaan doonin wax aan ka aheyn dowlad islaami ah oo Shareecada Islaamka Tadbiiqisa halka xukuumadda Camiilka Kaabul ay dhankeeda sheegtay in aysan ogolaan doonin nidaam islaami ah.


Wariyaal ku sugan magaalada Dooxa ayaa sheegay in marka lagasoo tago furidda wadahadallada ay adkaan doonto in labada dhinac ay gaaraan heshiis dhaxalgal ah.

Bishii Maarso ee lasoo dhaafay ayay magaalada Dooxa heshiis ku gaareen Mareykanka iyo Taliban, heshiiskaas oo dhigayay in ciidamada American-ka ah Afghanistan looga saaro muddo 14 bilood ah islamarkaana ay xabad joojin dhaqan gasho.

Mareykanka iyo xulufadiisa oo si xun loogu jebiyay dagaalka Afghanistan ayaa doonaya in ay wadankaas isaga baxaan kadib 19 sanadood xiriir ah oo dhulka Afghanistan uu ka holcayay halgan jihaadi ah, Taliban oo cadowgeeda ka adkaatay ayaa qudheeda doonaysaa in nidaamkeeda islaamiga wadanka ku fidiso iyadoo qaadaysa hanaan waafaqsan shareecada islaamka

Related Items