Askari katirsan maamulka Puntland oo dad shacab ah ku dilay Gobolka Mudug.

Saturday September 12, 2020 - 17:25:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Askari katirsan maamulka Puntland oo dad shacab ah ku dilay Gobolka Mudug.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dad shacab ah ay ku dhinteen kaas oo ka dhacay bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dad shacab ah ay ku dhinteen kaas oo ka dhacay bartamaha dalka Soomaaliya.


Askari katirsan maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ugu yaraan sedax qof shacab ah ku toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Cabdi Ladiif Muuse Nuur Yare oo ah guddoomiyaha guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in askari boolis ah uu toogasho ku dilay nin ganacsade ah kadibna isagoo baxsad ah uu suuqa waqooyiga Gaalkacyo rasaas ku furay halkaasna ay ku dhinteen laba qof shacab ah.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in askariga dilka geystay uu ubaxsaday duleedka Gaalkacyo walina laguma guulaysan in gacanta lagusoo dhigo


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items