Xasan Cali Kheyre oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax madaxweyne.

Sunday September 13, 2020 - 08:16:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Kheyre oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax madaxweyne.

    Markii ugu horraysay ayuu arrimaha siyaasadda ka hadlay Xasan Cali Kheyre tan iyo markii shaqada laga eryay waqti hadda laga joogo 45 maalmood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay ayuu arrimaha siyaasadda ka hadlay Xasan Cali Kheyre tan iyo markii shaqada laga eryay waqti hadda laga joogo 45 maalmood.


Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Kheyre ku sheegay in uu yahay musharrax utaagan xilka madaxweynanimada dowladda Federaalka.

inkasta oo uusan Xasan Cali Kheyre sameysan Xisbi siyaasadeed hadane waxaa lafilayaa in uu maalmaha soo socda iclaamiyo xisbiga siyaasadeed ee uu uga qeyb gelayo doorashooyinka.

Tani waxay ka dhigantahay in Kheyre uu loollan siyaasadeed oo cusub lageli doono Farmaajo saaxiibkiisi hore oo ay isaga hor'imaan doonaan doorashooyinka dhici doona sanadda 2021-ka.


Baarlamaanka garabka Farmaajo iyo Max'med Mursal ayaa eryay Kheyre bishii July ee lasoo dhaafay kadib khilaaf muddo soo jiitamayay oo kala ahxeeyay madaxweynaha dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items