Daawo Video: Hoggaamiyaha Al Qaacidda oo Kalimad Muuqaal ah soo diray.

Sunday September 13, 2020 - 16:23:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Hoggaamiyaha Al Qaacidda oo Kalimad Muuqaal ah soo diray.

    Sheekh Dr Aymen Aldawaahiri oo ah amiirka guud ee Jamaacada jihaadiga Alqaacidda ayaa jeediyay kalimad cusub oo uu uga hadlayo qadiyado dhowr ah oo ka taagan caalamka islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Dr Aymen Aldawaahiri oo ah amiirka guud ee Jamaacada jihaadiga Alqaacidda ayaa jeediyay kalimad cusub oo uu uga hadlayo qadiyado dhowr ah oo ka taagan caalamka islaamka.

Mu'asasada assaxaab oo ah garabka warbaahinta ee Qaacidatul jihaad ayaa baahisay cajallada maqal iyo muuqaal ah oo uu kasoo muuqanayo sheekh Aymen, wuxuu xalqada koowaad ee kalimaddan uga hadlayaa waxa loogu yeero Safqatul qarni oo ah mashruuc dhagar miiran ah ayna soo abaabuleen saliibiyiinta iyo khawanada dabadhilifyada carabta ujeedkuna waan in latirtiro qaddiyadda muslimiinta Filasdiin awoodna lasiiyay Yahuuda sahyuuniyadda.


Ugu horrayn dr-ka ayaa kalimaddiisa wuxuu kusoo hadal qaaday waxa uu salka ku hayo dagaalka caalamiga ah ee udhaxeeya reergalbeedka iyo muslimiinta iyo halka uu kasoo bilaawday wuxuuna caddeeyay in wax maanta socda ay leeyihiin taariikh soo jireen ah isagoo meesha ka saaray sheegashooyinka marin habaabinta ah ee ka imaanaya cadowga islaamka.


Cajalladan muuqaalka ah ee katimid hoggaanka alqaacidda waxay kusoo aadday 19 kadib sanadood kadib markii ay dhaceen weeraradii 11 september xilligaas oo america ay iyana qaadday xamlo saliibi ah oo ka dhan ah islaamka iyo ehelkiisa, Mareykanka oo dagaalka ka dhanka muslimiinta gaar ahana jihaadiyiinta aan waxba ula kala harin ayaa waqtigan ku sugan marxalad dib ugurasho ah isagoo saaxaadka dagaalka qaar kamid ah ka hub aruursanaya sida Afghanistan iyo Ciraaq.

Halkan ka Daawo Kalimadda cusub ee dr Ayman Al Dawaahiri MP4

Related Items