Jihaadiyiinta Soomaaliya iyo Maali oo noqday kuwa ugu awoodda badan qaaradda Afrika [Warbixin].

Sunday September 13, 2020 - 16:39:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 7 2
  • Share via Social Media

    Jihaadiyiinta Soomaaliya iyo Maali oo noqday kuwa ugu awoodda badan qaaradda Afrika [Warbixin].

    Warbixinno ay faafiyeen sirdoonno reergalbeed ah iyo hay'ado dabagal ku sameeya jamaacaadka jihaadka caalamka ayay ku sheegeen in Faracyada Al Qaacidda ay aad usii xoogeysanayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinno ay faafiyeen sirdoonno reergalbeed ah iyo hay'ado dabagal ku sameeya jamaacaadka jihaadka caalamka ayay ku sheegeen in Faracyada Al Qaacidda ay aad usii xoogeysanayaan.


Jamaacaadka jihaadiga ah ee halgama wadamada Maali iyo Soomaaliya ayaa noqday jihaadiyiinta ugu awoodda badan qaaradda Afrika islamarkaana halis ku haya dowladaha reergalbeed ah ee ku howllan dagaalka ka dhanka ah 'Argagaxisada'.

Ugu horrayn warbixinnadu waxay caddeeyeen in Al Shabaab ay tahay kooxda jihaadiga ah ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika, waxay sheegeen in jamaacadan ay maamusho dhul ballaaran oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay abaabushay weeraro dhiig badan ku daatay.


Hab dhismeedka kooxda iyo manhajkeeda jihaadiga ah oo lagu daray isku xirnaanta kala dhaxaysa bulshada bariga Afrika ayaa usahashay in ay waqti dheer sii jirto ayna dagaalka ku daaliso ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.

Kooxda labaad ee Jihaadiyiinta Afrika ugu murqa kuusan waa Jamaacada Nusratul Islaam walmuslimiin oo magaceeda loosoo gaabiyay JNIM, waa koox la aas aasay sanaddii 2017 waxay ka jihaadaa illaa sedax dal oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika waxayna kala yihiin Maali,Burkina Faso iyo Niger.

Jamaacadan ayaa fulisay boqolaal weerar oo lagu laayay askar Faransiis ah iyo kuwa dowladaha Saaxilka Afrika, waa koox dhan walba ka dhisan oo si wayn ay ula tacaadufsanyihiin muslimiinta mandiqadda.

Dowladaha Faransiiska iyo Mareykanka oo ah labada dowladeed ee sida aadka ah ugu lugta leh dagaalka islaam ladirirka qaaradda Afrika ayaa walaac ka muujinaya kororka Jihaadiyiinta  19 sanadood kadib markii ay Al Qaacidda weerartay magaalooyinka New York iyo Washington.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items