Sheekh Soomaaliyeed Oo Ka Hadlay Dhacdooyinka Naxinta Leh Ee Ka Jira Muqdisho.

Monday September 14, 2020 - 06:19:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Soomaaliyeed Oo Ka Hadlay Dhacdooyinka Naxinta Leh Ee Ka Jira Muqdisho.

    Sheekh Cali Cabdullaahi Cali Katiin, oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool wilaayaadka islaamiga oo la hadlay idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa si adag wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay kufsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cali Cabdullaahi Cali Katiin, oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool wilaayaadka islaamiga oo la hadlay idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa si adag wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay kufsiga iyo dilka lagu hayo gabdhaha Soomaaliyeed.


Sheekha ayaa sheegay in Muqdisho mudooyinkii u dambeeyay ay kusoo bateen dhacdooyin naxdin leh oo ay kamid tahay kufsiga haweenka muslimaatka ah, kadibna la dilo iyo sidoo kale in lagu caasiyo labada waalid.

Wuxuu sheekhu ku baaqay in arimahaas meel looga soo wada horjeesto, islamarkaana laga fogaado xumaanta.

Sheekh Cali Katiin ayaa diray farriimo wax ku ool ah oo ku socda reer Muqdisho oo la nool dhibaatooyinkan, wuxuuna hadalkiisa yimid iyadoo dhawaan gabar lagu magacaabo Xamdi oo 19 sano jir ah inta la kufsaday kadibna dabaq laga soo tuuray, taasoo keentay iney geeriyooto.

Halkan ka dhagayso kalimadda Sheekh Cali Katiin oo ka hadlay Dhibaatooyinka ka jira Muqdisho



Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items