Askar katirsan dowladda oo lagu dilay Muqdisho iyo Beledweyne.

Monday September 14, 2020 - 11:40:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar katirsan dowladda oo lagu dilay Muqdisho iyo Beledweyne.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin katirsan gobollada Banaadir iyo Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin katirsan gobollada Banaadir iyo Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

Xoogag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay degmada Dharkaynleey ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda, sidoo kale qarax ka dhacay isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa sababay khasaare ubadan dhaawacyo oo soo gaaray ciidamo ku sugnaa goobta Bambaanada lagu tuuray.

Dhinaca kale weerar qorshaysan oo dagaalyahanno jihaadi ah ka fuliyeen galbeedka magaalada Beled Weyne ayay ku dileen askari katirsanaa ciidamada maamulka isku magacaabay Hirshabeelle.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items