Askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay gudaha degmada Luuq.

Monday September 14, 2020 - 11:43:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay gudaha degmada Luuq.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in askar Itoobiyaan ah ay ku dhinteen iska hor'imaad dhaxdooda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in askar Itoobiyaan ah ay ku dhinteen iska hor'imaad dhaxdooda ah.



Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari Itoobiyaan ah ay dhinteen kadib markii ay isku rasaaseeyeen gudaha saldhig melleteri oo ay ku leeyihiin degmada Luuq.

Askari Itoobiyaan ah ayaa la sheegeen in uu kaxaystay haweenay Xabashi ah oo uu qabay sarkaal kale kadibna muran ayaa labad dhinac dhaxmaray illaa markii dambe ay dhaxdooda dagaallameen.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in rasaas ka dhacday gudaha saldhigga ciidanka Xabashida ee degmada Luuq ay sababtay dhimashada laba askari.



Markii ay rasaastu dhacday kadib ayaa la arkayay tobanaan askari Itoobiyaan ah oo isku fidiyay hareeraha saldhigga ay ku leeyihiin degmada Luuq, ciidamada Xabashia ee xoogga ku jooga Soomaaliya ayaa mararka qaarkood dhaxdooda dagaallama sida horay uga dhacday Luuq,Diinsoor iyo Beled weyne.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items