Saldhigyo ay ciidamada Kenya iyo kuwa Uganda ku leeyihiin Soomaaliya oo la weeraray.

Monday September 14, 2020 - 11:42:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo ay ciidamada Kenya iyo kuwa Uganda ku leeyihiin Soomaaliya oo la weeraray.

    Weeraro xooggan ayaa markale lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro xooggan ayaa markale lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar xooggan uu xalay saqdii dhexe lakulmay saldhigga ciidamada Kenya ay ka sameysteen deegaanka Hoosingoow oo ku dhow xuduud beenaadka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahanno aad u hubaysan ay dhowr jiho ka weerareen ciidamada Kenya waxaana la maqlayay hugunka rasaasta iyo madaafiic ay labada dhinac iswaydaarsanayeen.

Dhinaca kale  dagaalyahannada Al Shabaab ayaa xalay weeraray saldhigga ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Ambareeso ee dhaca duleedka degmada Baraawe balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay dhacay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items