Sawirro:Waa sidee xaaladda deegaanka Janaay Cabdalla oo ay isaga baxeen ciidamada Mareykanka?

Monday September 14, 2020 - 12:36:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Waa sidee xaaladda deegaanka Janaay Cabdalla oo ay isaga baxeen ciidamada Mareykanka?

    Xaalad deganaan ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo halkaas oo isbuucii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo iyo qaraxyo khasaara dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad deganaan ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo halkaas oo isbuucii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo iyo qaraxyo khasaara dhaliyay.

Warbaahinta Islaamiga ah oo booqatay deegaanka ayaa sawirro kasoo qaadday saldhigyadii ay isaga baxeen ciidamada American-ka ah iyo maleeshiyaadka Banagaraafta loo yaqaan ee maamulka 'Jubbaland'.

Deegaanka Janaay Cabdalle oo leh isriraatiijiyad gaar ah ayay isaga carareen ciidamada huwanta ah kadib markii lagu beegsaday weerar naf hurnimo oo uu fuliyay dagaalyahan katirsan Shabaabul Mujaahidiin.

Sawirrada lagasoo qaaday saldhigga ay ka carareen ciidamada Mareykanka ayaa muujinaya agabyo melleteri iyo sahay dhax daadsan, waxyaabaha lagu dhax arkay saldhigga waxaa kamid ah raashin gaar u ahaa ciidanka Mareykanka sida macmacaan iyo hilibka Doofaarka.


Dadka deegaanka oo ku xoomay saldhigga markii ay cadowgu isaga baxeen ayaa loo fasaxay in ay rartaan sahaydii raashinka aheyd ee huwantu ka carareen, maamulkii islaamiga ahaa ayaa dib uga shaqa bilaabay Janaay Cabdalla waxaana caadi kusoo laabtay adeegyadii bulshada.


















Related Items