Ciidamo AMISOM Katirsan oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Sunday November 02, 2014 - 12:27:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo AMISOM Katirsan oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay oo lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada shisheeyaha AMISOM khasaara xooggan uu ka dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay oo lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada shisheeyaha AMISOM khasaara xooggan uu ka dhashay.

Maanta barqadii ayaa sedax qarax laga maqlay agagaarka biya degeenka Suuqa Xoolaha halkaasi oo ay ku socdaalayeen ciidamo katirsan calooshood ushaqeystayaasha Afrikaanta ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in sedax katirsan ciidamada Uganda lagu dilay qaraxyada waxaana burbur xooggan uu gaaray gaadiid ay wateen ciidanka labeegsaday.

Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo khasaara dhaliyay waxaana muuqata in ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

Related Items