Dagaallo iyo qaraxyo ciidamada AMISOM lagula beegsaday duleedyada Muqdisho iyo Marka.

Tuesday September 15, 2020 - 10:44:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo iyo qaraxyo ciidamada AMISOM lagula beegsaday duleedyada Muqdisho iyo Marka.

    Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose iyo duleedka galbeed ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose iyo duleedka galbeed ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhowr weerar ka fuliyay duleedka magaalada Marka ee xarunta Sh/hoose, ilo wareedyo laga helay deegaanka Shalaanbood ayaa sheegaya in qarax miino lagu gubay gaari Taaw ah.

Dad ku sugan duleedka Marka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax aad uxooggan, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamo Yugaandheys ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa.

dhinaca kale dagaallo culus ayaa xalay ka dhacay deegaanka Arbacoow ee Ceelasha Biyaha, dagaallada ayaa yimid kadib markii ay xoogaga Al Shabaab dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamamada AMISOM.


Daryanka madaafiic iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa in mudda ah laga maqlayay deegannada dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items