Isbedel dhanka maamulka ah oo ka dhacay Wilaayada Islaamiga ah ee Shabellada Dhexe.

Tuesday September 15, 2020 - 18:09:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Isbedel dhanka maamulka ah oo ka dhacay Wilaayada Islaamiga ah ee Shabellada Dhexe.

    Maktabka Siyaasadda iyo xiriirka Wilaayaat-ka ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa isbadal ku sameeyay Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada dhexe halkaas oo loo magacaabay Waali cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore shir ka dhacay Aadan Yabaal
Maktabka Siyaasadda iyo xiriirka Wilaayaat-ka ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa isbadal ku sameeyay Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada dhexe halkaas oo loo magacaabay Waali cusub.



Kulan ballaaran oo la isugu yeeray qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Wilaayada Sh/dhexe sida Culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, aqoonyahanada iyo masuuliyiin ka socotay hoggaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyay in Sheekh Cabaas abuu Muxamed loo magacaabay waaliga cusub ee Shabeellada Dhexe.


Sheekh Cabaas Abu Maxamad ayaa badali doona Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutkade oo ah waaligii hore ee Wilaayada Shabeellada Dhexe

Sheekh Yuusuf Ciise Kaba kutukade oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu caansan Mujaahidiinta ayaa waqti aad u dheer wuxuu usoo ahaa Waaligii Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/dhexe, isagoo sidoo kale soo noqday waaligii wilaayada Islaamiga ah ee Galguduud,

Qaybihii kala duwanaa ee kasoo qaybgalay munaasabada xilwareejinta ayaa Sheekh Kabakutukade uga mahadceliyay dadaalkii dheeraa ee uu ku bixiyay u adeegidda bulshada Sh/Dhexe, iyagoona dhanka kale ballan qaaday inay la shaqayn doonaan waaliga cusub.

Sheekh Cabaas Abuu Muxamed ayaa noqonaya Waaligii Afaraad oo ay Xarakada Al-Shabaab u magacawdo Sh/dhexe tan iyo sanaddii 2009, xilligaas oo inta badan magaalooyinka wilaayadaas ay gacanta mujaahidiinta soo galeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items