Gaari Ciidan oo Arday ku dilay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Tuesday September 15, 2020 - 18:00:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Gaari Ciidan oo Arday ku dilay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil maanta ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil maanta ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.


Gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si bareer ah ujiiray arday ku sugnaa degmada Shangaani.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo Arday ah uu dhintay tira kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii gaari Cabdi Bile ah uu jiiray Ardayda xilli ay ku socdaalayeen meel aan sidaas uga fogeyn xarunta degmada Shangaani.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaarigii dhibaatada gaystay uu horay isagasii socday mana u istaagin dadkii dhaawacmay iyo kuwa dhintay, ma ahan markii ugu horraysay oo gaadiidka ciidamada dowladda ay shacab ku jiiraan waddooyinka Muqdisho.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items