Imaaraatka iyo Baxrayn oo si rasmi ah heshiis ula saxiixday Yahuudda.

Tuesday September 15, 2020 - 18:02:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraatka iyo Baxrayn oo si rasmi ah heshiis ula saxiixday Yahuudda.

    Magaalada Washington ee caasimadda dalka Mareykanka waxaa maanta si rasmi ah loogu saxiixay heshiiskii caadiyaynta cilaaqaadka Yahuudda iyo qaar kamid ah dowladaha dabadhilifyada Khaliijka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Washington ee caasimadda dalka Mareykanka waxaa maanta si rasmi ah loogu saxiixay heshiiskii caadiyaynta cilaaqaadka Yahuudda iyo qaar kamid ah dowladaha dabadhilifyada Khaliijka Carabta.


Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn ayaa si rasmi ah maamulka Yahuudda ula saxiixday heshiis saaxiibtinimo dhan walba ah kaasi oo halis gelinaya muslimiinta ku dhaqan mandiqadda Bariga dhexe gaar ahaan Filasdin.

Cabdi Ladiif Alzayaani oo ah wasiirka arrimaha dibadda Baxrayn oo ka hadlayay madashii heshiiska lagu saxiixayay ayaa sheegay in heshiiskan uu dalkiisa siinayo awood siyaasadeed iyo mid amni.

Max'med Bin Zaayad oo ah dhaxal sugaha Imaaraatka iyo wasiirka arrimaha dibada ayaa isna tallaabadan ku sifeeyay guul taariikhi ah, in Yahuudda ay lamidoobaan ayuu arkaa guul.


R/wasaaraha Yahuudda oo isna hadlayay ayaa carabaabay in dowlado badan oo Carbeed ay soo raaci doonaan tareenka caadiyaynta cilaaqaadka maamulkiisa.

Shacabka Falasdiin ayaa xumaanta ka dhacday Washington ku sifeeyay maalin madoow waxayna ku baaqeen in caalamka islaamka laga oogo dibad baxyo ka dhan ah Imaaraatka iyo Baxrayn.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items