Xisbiyada Mucaaradka oo ku goodiyay in ay dowlad soo dhisayaan Eedayna Ujeediyay Farmaajo.

Wednesday September 16, 2020 - 09:23:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaradka oo ku goodiyay in ay dowlad soo dhisayaan Eedayna Ujeediyay Farmaajo.

    Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in ay soo dhisi doonaan xukuumad cusub haddii Farmaajo uu sii wado jebinta waxa ay ugu yeereen dastuurka dowladda udegsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in ay soo dhisi doonaan xukuumad cusub haddii Farmaajo uu sii wado jebinta waxa ay ugu yeereen dastuurka dowladda udegsan.


Shir jaraa'id oo ay qabteen Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/qaadir Cosoble ayay eedayn iyo hanjabaad ugu jeediyeen Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

C/qaadir Cosoble oo ah xildhibaan kana mid ah hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa Farmaajo ku eedeeyay kaligiis talisnimo iyo dayacaad " haddii uu madaxweynuhu soo dhisi waayo xukuumad cusub uuna ka shaqeyn waayo doorasho loodhanyahay annaga ayaa dowlad soo dhisi doona" sidaas waxaa yiri Cosole.


Xasan Garguurte ayaa isna Farmaajo lameel dhigay Nin xaas uu furay iska haysta sida uu hadalka u dhigay "Madaxweynuhu waxa uu sameynayo dastuurka sax kuma ahan, waxba kama duwana Madaxweynaha waxa uu sameynayo nin gabar ay kala tageen weli ilmo u dhaleyso, xaaskii ay kala tageen oo furay asoo weli xaas ay u tahay oo kale waaye, Xukuumadda maanta jirtana waa saas, sharci maaha waa sharci darroā€¯ sidaas waxaa yiri Xasan Gurguurte.

Tan iyo markii Xasan Cali Kheyre la eryay ayay dowladda Federaalka tahay R/wasaare la'aan  waxaana cirka iskusii shareeraya khilaafka kala dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda xisbiyada Mucaaradka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items