Qarax ku dhowaad 10 askari ay ku dhinteen oo ka dhacay Soomaaliya.

Wednesday September 16, 2020 - 14:15:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Qarax ku dhowaad 10 askari ay ku dhinteen oo ka dhacay Soomaaliya.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax gaari looga gubay ciidamada dowladda
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka Muqdisho.



Wararka ka imaanaya deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee dhaca galbeedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta barqadii qarax miino lagula beegsaday gaari Tikniko ah oo ay ciidamo la socdeen.

Ilo wareed dhanka amniga ah ayaa xaqiijinaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 7 askari halka uu burbur xooggan gaaray gaari Cabdi Bile ah.
Xarakada Jihaadiga Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items