Askari katirsanaa maamulka 'Somaliland' oo lagu dilay gobolka Awdal.

Thursday September 17, 2020 - 07:38:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari katirsanaa maamulka 'Somaliland' oo lagu dilay gobolka Awdal.

    Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay iska hor'imaad khasaara dhaliyay oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Awdal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay iska hor'imaad khasaara dhaliyay oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Awdal.


Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada Booliska maamulka degmada Boorama ayaa dhintay kadib markii ay dablay hubaysan weerar ku qaadeen ciidamo ku sugnaa duleedka Boorama.

Iska hor'imaadka ka dhacay gobolka Awdal ayaa salka ku haya murun dhuleed sida uu warbaahinta u sheegay Max'med Axmed Caalin oo ah guddoomiyaha gobolka, wuxuu carabaabay in sedax qof oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii ladagaallamay ciidamada booliska ay ku dhaawacmeen iska hor'imaadka.


Bishii lasoo dhaafay shaqaaqooyin khasaara dhaliyay ayaa sidaan oo kale uga dhacay duleedka degmada Boorama, maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa caqabado kala kulmaya  degmada Boorama iyo hareeraheeda wuxuuna umuuqdaa in uu xakamayn waayay xiisadaha marwaliba dhaliya iska hor'imaadyada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items