Ciidamo katirsan Nabad sugidda oo Gadood ka sameeyay Muqdisho.

Thursday September 17, 2020 - 07:53:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan Nabad sugidda oo Gadood ka sameeyay Muqdisho.

    Askar iyo saraakiil katirsan ciidamada dowladda Farmaajo ayaa ka cabanaya mushaar la'aan baahsan xilli xukuumaddii Kheyre ay sheegi jirtay in ay maaraysay mushaaraadka ciidamada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar iyo saraakiil katirsan ciidamada dowladda Farmaajo ayaa ka cabanaya mushaar la'aan baahsan xilli xukuumaddii Kheyre ay sheegi jirtay in ay maaraysay mushaaraadka ciidamada.


Boqolaal katirsan maleeshiyaadka taabacsan Nabad sugidda dowladda ayaa gadood ka sameeyeeyay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho waxayna ka sheeganayeen mushaar la'aan.

Ciidamo wata gaadiid Tiknika ah ayaa xirtay fagaaraha Daljirka Daahsoon waxayna isku fidiyeen hareeraha dhismaha xarunta Nabad sugidda ee Habar Khadiijo loo yaqaan.


Saraakiil katirsan ciidamada mushaar la'aanta ugadooday ayaa warbaahinta u sheegay in muddo sedax bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah iyagoo ku eedeeyay xukuumadda in ay ka been sheegtay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada gadoodka sameeyay ay kasoo bexeen saldhigyo ay ku lahaayeen duleedka degmada Dayniile, musuq maasuqa ka dhax jira madaxda DF-ka ayaa sababay in ay mushaaraad ku filan siin waayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items